Qaab deegaaneedka dhulka soomaalida markii aad u fiirsato waxaad fahmaysaa in loo degay hab qabyaaladaysan oo la yaab leh. Beel kasta, tu' hoose ama mid guud, waxay aaminsantahay inay seere dhuleed oo u gaar ah leedahay. Seerahaas ayay daaqsataa, magaalaysataa oo difaacataa.
Xumaanta,
dhiilada iyo dagaalada dhex mara dadka soomaaliyeed waxaa qayb wayn ka
ah xuduud beeleedyo, goor hore, wax calaamadiyey aan la garanayn. Miyiga
iyo magaalooyinkuna waa isku mid.
Magaala kasta oo kobocday waxaa laga fahmayaa in cidda degan is qola-qolaynayso. Xitaa haddii hayb guud la isku dhaho. Haddii
ay qolo is dhahdo waxaad ku dhex qarsoonteen qolo kale, inta ay gooni u
baxaan ayay tuulo meel gerigo'an ah dhagax-dhigtaan.
Sidaas waxaa loo yeelayaa in beel kasta hesho aqoonsi qabiil, hab-qabyaaladeedna wax ku dhacsadaan ka dib marka bannaan laga arko.
Maamul goboleedyada dhismay iyo kuwo la dhisayona waxaa ka muuqda aragtidaas. waana suurtagal in mustaqbalka maamuladaasi ku dagaalamaan xuduud beeleedyadaas; si la mid ah sida reer miyigu isu dili jireen.
Runtii, qaabkaasi
wuxuu sababay dib u dhac nololeed. Waxaana dhantaalmay fursadihii lagu
heli lahaa adeegyo bulsho, xoog dhaqaale, isdhexgal bulsho iyo
ilbaxnimo.
Iyadoo
qaab-deegaaneedkaasi jiro, kuwa u fekeray hannaanka 4.5 in siyaasadda
soomaaliya aasaas looga dhigo, federal qabyaaladaysanna loo taago, aad
ayay iiga badiyaan sida shar farsamaysan oo waara loo abuuro.
halkan ayaad ku darsan kartaa aragtidaada
ReplyDelete