labo isku ma khilaafsana qaadka iyo dhibaatada wajiyada badan leh ee uu soomaali ku hayo. Balse, dad badan waxaa la culus sida meesha looga saari karo dhibaatadaas, marka la eego sida wayn ee uu nolosha uga mid noqday.
Nasiibdarrada waxaa ka mid ah in dalalka deriska inna la ah ay yihiin kuwo qaadka ku tiirsan ganacsigiisa ama sideena u cuna - Kenya, Ethiopia, Jabuuti iyo Yemen.
taariikh ahaan, isku-day xoog leh oo dawladdii soomaaliya ee burburtay ay ku joojisay qaadka soomaaliya la keeno ayaan socon dawladdii oo dhisan.
Abuukar Cawaale (qaad-diid) oo olole qaadka ka dhan ah ka dhex waday Ingiriiska muddo ku dhow 9 sano, ayaa ku guulaystay in dalkaas laga dhaqangeliyo sharci xaaraantimaynaya qaadka 2013dii. Wuxuuna ololihii qaadka ka dhanka ahaa ka wadaa hadda soomaaliya oo aan nidaam wax ka joojin kara ka jirin.
Marka laga yimaado doodda ah inuu soomaaliya ka gaari karo guushii Ingiriiska oo kale, wuxuu horseed u yahay dhaadhqaaq bulsho oo loo baahan yahay. waqti kasta oo soomaaliya qaadka dib looga mamnuuco, haddii uu nool yahay iyo haddii kaleba, waxay u noqonaysaa guul libinteeda loo ogyahay.
Shaki kuma jiro xilligan in Abuukar uu leeyahay taageerayaal badan oo hiil iyo hooba la garab taagan. Sidoo kale shaki kuma jiro inuu leeyahay cadow aan bixin hayn. Anigu waxaan ka mid ahay kuwa taageersan.
No comments:
Post a Comment