Monday, May 11, 2015

Soomaalida Kasoo Qaxday Yemen Cawo-daranaa !

Dalka Yemen waxaa ku noolaa dad lagu qiyaasayey 750,000 oo qof oo qaaxooti soomaali ah.
Markii colaadaha dalkaasi ka jira ay xoogaysteen ayaa qayb ka mid ah  qaaxootigaasi dib u soo guryo noqdeen.
Sawirka waxaa ka muuqda xero  lagu daadguraynayo dadka dekedda Bosaso ka soo dega. Caruur cagaagan oo aan wax badan garanayn, waayeel ildaran, hooyooyin xaasas ballaaran ah oo aan cid u ehel ah la socon, dhalinyaro aan af iyo qaraabo aqoon iyo  salowle dhabanada haysta ayaa ku badan.
Gudiga gacanta ku haya xerada waxay u bixiyeen "xerada nasashada qaaxootiga Yemen", sababtuna waa in aan lahayn qorshe iyo awood u saamaxaysa qaaxootigu inay ku negaadaan xerada.
Ayaan-darrada haysata qaaxootigan waa in 25-sano ka dib ay dib u soo qaxeen iyadoo ay taagan tahay xaaladdii markii horeba dalkooda uga carareen.
Dhinac marka laga eego waxay dhadhamiyeen in dalkooda hooyo lama huraan u yahay. Dhinaca kalena marka laga eego, waxay dareemayaan in qaxoodu yahay "gud ka guur oo qanjo u guur"