Sunday, February 7, 2016

Reerkaaga Ma La Neceb Yahay?

                             
Reerkaaga in la neceb yahay isweydiinba ma leh. Sabab? waa wax aad hubto, oo aan muran la gelin karin! Wixi intaas ka sokeeya aan ka hadalno. Yaa neceb? Maxaase loo neceb yahay?
 Reerkaaga waxaa neceb dhowr reer oo aad ogtahay. Waase is dhaamaane, waxaa ugu daran reerka aad deriska tihiin, oo belo idin ka neceb. Xumaantaasi weligeed waa jirtay, inta taariikhda iyo waxa uu soo maray reerku kula taqaan ayaa kula fahmi karta. Waxaa jirta marar nacaybku cirkaas isku shareero oo aan waxba la kala qarsan, sida tii ayaantii dhacday! Sidoo kale, waxaad fahamsantahay inay jiraan marar badan oo dusha la iska kala socdo, oo si doqon ma garato ah biyaha hoostooda la isu marayo!
waa la kala shar badan yahaye, reerkaas cadawgiina ah inta badan waxay idiin kaashadaan dad kale. Goortaas ayaa ifka la idiin necbaadaa! In kasta oo aan la idiin la bareerin, haddana xanta, sida wax u socdaan iyo dadka wajiyadooda ayaad ka garataa arrintaas. Waliba dhowr jeer oo sababtaas la idiin ka hagardaameeyey guulo aad heli lahaydeen waa jireen.
Horta magaciinaba lama jecla in la sheeg-sheego. Taariikhdiina dadka tooda ka wanaagsan ayaaba la xumeeyaa. Rag doorkiiinii hore iyo kuwa hadda ayaa la qariyaa, kuwo kale oo aan macno lahayna waa la caan bixiyaa.

Tan ugu yaabka badan waa waxa la idiin neceb yahay! Wax kale ma aha, waa ilaahay kheyrka iyo libinta uu idin siiyey. Soomaali xasad ayaa meel dhigay - Gobanimada aad leedihiin, Geesinimada idiin gaarka ah,  xoolaha miyi iyo magaalo ilaahay idin ku minnaystey, deegaanka aad nasiibka u yeelateen, Aqoonyahanada tirada badan, ragga iyo dumarka suugaanta afka loogu tiray, dhalinyarada baxaalliga wanaagsan - intaas ayaa la idiin quuri la'yahay.
 Gar islaam ayaa loo yahaye, waa idin qabataa inaad isku tashataan, oo cadawga gaashaanka u daruurtaan.
Haa, waan is fahamnay. Cafwan, waxan ilaaway inaan magacaaga kuugu yeero markii aan sheekada bilaabayey. Dadka ayaan kuugu badiyaa oo waxaa lagu dhahaa "Soomaali". Kawaran sida aynu jaanta isu la helnay soomaaliyow?