"Goortii xaaladdu noo caddaatay ayaan tashanay. waa fiidnimo, goobtuna waa Bosaso. Waxaan is tusnay inaan u baahanay qaab aan ammaankayaga ku sugno habeenkaas, maadaama dawladdii burburtay. Afar nin ayaan guriga ku ahayn. Wax xilo iyo xoolo ahna midkaya guriga ugu ma sugnayn.
Taladii
haddii aan rogrognay, waxay nala noqotay in hadba labo seexato, labada
kalena soo jeedo oo waardiye naga hayso. laba qori ayaan haysanay
kuwaasoo hadba labada waardiyaha haysa isku hubaynaysay. waxan filayaa
inaan ayaamo sidaas arrinta ku wadnay.
Walwalkaas
annaga naguma koobnayn, ee dadkii magaalada waqtigaas joogay, in badan
oo ka mid ah, waa nala qabeen. Ogaalkay, saraakiil badan oo dawladda u
shaqaynaysay ayaa magaalada habeenkaas lug uga baxay oo bannaankeeda soo
seexday. Waxay dad badan la ahayd, oo aan anigu ka mid ahaa, in la is
dooxan doono; dawlad la'aanna aan nololi jiri doonin. waxay nala ahayd
inaan wax buuxin karaya aysan jirin, lagana maarmayn mas'uuliyadda kowaad
ee dawladdu haysay oo ahayd sugidda ammaanka dadka iyo dalka.
Waqtigaa ku tababaree, xagaagaas xagaagii ka danbeeyey isla gurigii ayaan bannaankiisa seexanaynay. Cid waardiye noo ahayd iyo hub noo xasaysnaa midna ma jirin. Walwalkiiba tartiib ayuu iiga idlaaday. Waqtiga hadda aan joogno waxaan ku qoslaa sidii habeenkaas iyo ayaamihi la midka ahaa wax noola muuqdeen."
Waqtigaa ku tababaree, xagaagaas xagaagii ka danbeeyey isla gurigii ayaan bannaankiisa seexanaynay. Cid waardiye noo ahayd iyo hub noo xasaysnaa midna ma jirin. Walwalkiiba tartiib ayuu iiga idlaaday. Waqtiga hadda aan joogno waxaan ku qoslaa sidii habeenkaas iyo ayaamihi la midka ahaa wax noola muuqdeen."
Sheekadaas waxaa si maad leh iigu mariyey oday Cismaan oo u shaqayn jiray dawladdii qaran ee burburtay.
Nuxurku waa in hadba wixii waqtigu ku baro la qaayibo. qofkii burburka ku garaadsaday ama ku cimriyeystay waqti dheer waxaa suurtagal ah inuu la qabsado qaab-nololeedkaas, una maleeyo fikir ahaan inaan waxba ka maqnayn. Ama, kaba sii darane, caabbi ku sameeyo qaabilaadda isbedel ka wanaagsan midka uu ku jiro. Waxaa suurtagal ah inuu u hoggaansamo xoogaga sharka ... qabyaaladda, dulmiga, fakhriga, musuqmaasuqa, colaadaha, seef-la-boodnimada, daroogada, jahliga, rajo-xumada ... kuwaasoo garbaduub u taabay qofka soomaaliyeed tobanaan sano.
wixi faalo ah waad reebi kartaa.
ReplyDeleteWaa sheeko xigmad iyo xiiso leh balse magaca iyo iyada iskuma haboona waxaana anigu u bixin lahaa Wax walba waa la qabsi
ReplyDelete