Saturday, December 12, 2015

Ma Mas'uul Qaran Mise Macalin?

Waxaan ka fekeray khudbadaha isku jaadka ah ee siyaasiyiinta heerka qaran ah ee soomaaliyed!

Fagaare ka hadalka rasmiga ah ama aahan ahayn, markasta, wuxuu mas'uulka qaran u yahay fursad uu dadka uga waramo waxa u qabsoomay ama ay qaban doonto hay'adiisu. waa inuu dadka baraa, kana gadaa mabaadii'da iyo qorshayaasha hay'adiisa.
Hadalkiisu haddii uusan wada noqon sidaas waa inuu u bataa.
Waqtiga noocan ah waa u muhiim, haddii uu yahay qof meesha wax ku haya; macnaha wax qabtay, wax qaban doona ama u baahan cududa bulshada uu hoggaaminayo si wax ugu qabsoomaan.
Ila ma aha inuu u sheekeeyo sidii qof aan waxba laga rajayneyn. Tan ka daran taas, waa inuu u hadlaa sidii macalin. Oo ah inuu waqtigaba ku qaato inuu dadka u sharaxo mawduuc markaas ku soo dhaca ama munaasabadda xiriir la leh. Sida inuu sharaxo cadaaladda, nabadda ama xuquuqda aadanaha. wuxuu u ekaanayaa "bare" halkii uu ka ahaa "adeege".

Dhaliishan marna kuma arag madaxwaynaha Somaliland ee Axmed Siilaanyo. Waxaa jiri kara qaar kale oo aysan qabanayn.

Waxaan u baahanay inaan wax ka barano siyaasiyiinta caalamka sida hadalkoodu u qaabaysan yahay.