Monday, November 30, 2015

Gaalkacayo Waa Tusaale

haddii miisaanka aad wax ku cabirayso kaa khaldamo ma kala garan karto sax iyo khalad midda aad ku taagan tahay. waa tilaabada koowaad, inaad iswaydiiso halbeegaagu sax ma yahay? ma ku haboon yahay waxa aad u adeegsanayso? ma kugu la qanacsan tahay miisaanka cidda wax kaala dhexeeyaan?

dagaalka Gaalkacayo waqtigan salka kuma hayo colaadihii uu gobolku taariikh ahaan soo mari jiray ee ay kicin jireen aanaysi, dhac hantiyeed ama qabiil-u-dirir toos ah; kuwaasoo hadda loo arko in laga soo daalay.
wuxuu salka ku hayaa nidaam siyaasadeed oo khaldan. waa nidaam federal ah oo la rabo miisaanka dadka lagu kala soocayaa inuu noqdo qabiil. reer kasta waxay u xusul duubayaan inay helaan maamulka wadada ay maraan, guryaha ay ku leeyihiin meelaha la wada degan yahay, tuulada ay degan yihiin iyagoo aan tixgelinayn degmada ay raacsan tahay iyo daaqsintooda baadiye meel kasta oo ay tahay oo ay ku jiraan ceelasha iyo waraha lawada cabi jiray.
waa sida dhabta ay ee dagaalo badani ku saabsanaan doonaan mustaqbalka dhow iyo midka fog, haddii aan xal kasoo hor marin.
Gaalkacayo waa tusaale, keligeed ma aha magaalooyinka la wada degan yahay. xadka beeluhu wadaagaana ma aha magaalooyin lada wada degan yahay oo keliya, gobolada ayaa la wadaagaa, tuulooyinka degmooyinka ayaa la wadaagaa, dhulka miyiga ah ayaa la wadaagaa, ka feker 18ka gobol ee dalka. waxa taas dheer, reerna ma aqoonsana, mana aqoonsan karo xadka reer hebel kale keligood leeyihiin.

nabaddu ma aha colaad la'aan. ee waa xasilooni iyo qanac dadka quluubtiisa gasha.

federalka noocan ah ciddii innoo keentay waa inay xuduudo beeleed innoo samaysaa ama ay innagu garana nidaamka maamul ee aynu ku xasili karno.