Tuesday, April 21, 2015

Tahriibayaasha Ma Dhaliilayo

Taariikh ahaan soomaalidu weligeed dalalka shisheeye dhoof ayay ugu bixi jireen. Dalalka carbeed, Hindiya iyo wadamo dhowr ah oo ka tirsan bariga afrika ayaa sooyaalkeena laga garanayaa inaynu u dalaabi jirnay.
soddonkii sano ee aynu dawladda ahayn (1960-1990) intii lagu jiray ayaa sidoo kale waxaa la dareemi karaa socod soomaalida qaarkeed debedda ugu baxday. Shaqo doon, aqoon kororsi iyo kacdoonkii qabyaaladaysnaa ee jamhaduhu kala horyimaadeen dawladdii dhisnayd ayaa sababayey, sida aan filayo. Dad badan oo hiilo wajiyo badan leh siinayey jamhadaha iyo kuwo ka ood-roganayey cadaadiskii dawladda ayaa qurbaha dan u arkay.

Laga soo bilaabo qaran-jabkii soomaaliya ee 1990kii dhacay qaxa, tahriibka iyo dhoofka-debedeed waxay noqdeen wadooyinka xadidan, ee aan bedelka dhaama lahayn, oo dad badan oo soomaaliyeed u furan. 
Tiradii lagu qiyaasayey dadka soomaaliyeed waqtiyadii qaranku dhisnaa marka lagu dhereriyo tirooyinka maanta laga sheego dadka debedda dalka ka jooga waxaa lagu malayn karaa 30%.
Waxaa taas ka daran in qulqulka dadka dalka ka baxaya uu wali xoogan yahay, duruufihiina aysan is bedelin;  iyadoo dalal horay u qaaday martigelinta dadkaas ay dib u soo naceen, kuwana iskood u danoobeen.

Awoodda dadka tahriibaya waa kala duwan tahay. waxayna kala saartaa qaybaha dadka, qaabka loo safrayo, meesha la bartilmaameedsanayo iyo mudada lagu gaarayo.

Hadalkayga ujeedada aan ku soo dabaalee, hadal-haynta dadka soomaaliyeed waxaa ku batay dhaliil loo jeedinayo dhalinta soomaaliyeed oo markan si xowli ah tahriib ugu gurmaya. Dhalintaasi, si ka duwan qaybaha kale, ammaan-darro iyo gaajo markaas haysa, uma cararayaan. Waxay waalidkood geliyaan kharash badan oo loo arki karo in dalka gudihiisa ay wax kaga qabsan lahaayeen.

Kuwo aqoon sare leh, kuwo waxbarashada aasaasiga ah waday, kuwo fursado ganacsi tijaabiyey, kuwo xoogsi kale nolosha ka dayey iyo kuwo baagamuudo u meel waayay ayay isugu jiraan dhalinta tahriibaysa.

Dhalinyaradaasi intooda badan waxay ku baxaan qaab dhuumaalaysi ah, waxana jira kuwo xubno ehelkooda ahi, si qarsoon, ula talo yihiin. Qaab ganacsi oo tahriibta noocan ah ka samaysmay ayaa wado marista sahlaya.

Su'aasha aan iswaydiiyey waxay tahay: maxaa looga hadli la'yahay sababaha dhabta ah ee dhalinyarada wada iyo waxa xalka u noqon kara joojinta tahriibta noocan ah?
Kama sheekaynayo, halkana kuma soo koobi karo, xaaladda wadanka ka jirta. waxaa la dhahaa "nin iyo dantiis waa walaalo." qofka dhalinyarada ah ee soomaaliya ku hanaqaada maanta wuxuu u baahan yahay wax kasta oo qof bini-aadam ah oo casrigan jooga u baahan yahay. Aasaasiyaadka nolosha iyo horumar uu higsado inuu dalkiisa ka dhex helo ayaa mid kasta ku fekeraya. Haddii rajadaasi quus ka gasho wax kale waxba ugu ma toorna.

Markii runta loo yimaado, wadanka soomaaliya kama jiraan rajooyin iyo fursado ay dhalintu ku xisaabtamayso oo ay mustaqbalkooda nololeed ku dhisaan. dhaqaalo xumo baahsan, shaqo la'aan, adeegyadii bulshada oo maqan, cadaalad-bulsho oo la waayay iyo duruufo kale oo intaas ka badan ayaa wadanka ka dhex jira.

Dhowr sano ka hor warbixin uu baanka adduunku ka soo saaray Soomaaliya wuxuu ku sheegay in celcelis ahaan dadka soomaaliyeed ay maalinti quutaan wax ka yar hal dollar. sida aan filayo cabirka lagu muujiyo heerka dhaqaale ee dal taagan yahay (GDP) waxay soomaaliya ahayd 1991kii qiyaas ah -11. Waxaana khasab ah in cabirkaasi hoos u sii dhacayey intii burburka lagu jiray. Dadka ganacsada sanad kasta waxay qabaan cabasho ka sii badan sanadkii ka horeeyey. malahaygana sidaas ayay ku socon doontaa, haddii uusan iman isbedel aan hadda ii muuqan. Waayo? dhaqaalaha dal kasta leeyahay wuxuu ku fadhiyaa waxa gudihiisa ka soo baxa. Haddii si mug leh loogu tiirsanaado waxa lala soo degayo, ayna ka bataan waxa la dhoofinayo, waxay ka dhigan tahay hoos u dhac dhaqaale. Haddii ay sidaas ku sii socotona mar uun ayaa la noqonayaa cayr siman.

Haddii sida aan sheegayo ay tahay, sidee fursado u helayaan kumanaanka dhalinyarada ah ee sanad kasta soo kacaya? saw tahriibtu uma noqon dani-ku-baday? hadalada afka ku macaan ... wadanku waa hodon, waa lama huraan ... qof baahan meel maran uma buuxinayaan.

Waxaan hubaa in aysan ka dhignayn qof kasta oo tahriiba inuu xaqiijinayo horumar nololeed. waxa jiraya kuwo jidka naftooda ku waayaya, kuwo dhaqan iyo dadnimo beelaya iyo kuwo ku hungoobaya meelaha ay tagaan. waxana wadnaha farta kaga hayaa sharci ahaanshaha xagga diinta ee tahriibka noocan ah. Mana tirtirsiinayo anigu in la tahriibo, balse waxaan u hayaa garawshiiyo.

Waxaan dhaliil u hayaa kuwa saamaynta ku leh xaaladaha dalka ka taagan, magac kasta iyo mansab kasta ha sheegteene.








3 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. Aragtiyaha bani'aadamku waa kuwo mar walba aan isku jiho ahayn isla markaasna ay kala duwantaahy natiijadoodu,

    Waxaan is oran karaa Dhalinta dalka uga baxaysa sifo sharci waxay helayaan garawshiiyo lamid ah kaaga,

    Waxaan oran karaa hadii dhalinta tahriibaysa ay dalka joga waxay cadaadiska ku kordhin kartaa madaxda dalka kadibna ay shaqa abuur badan sameeyaan,lkn hadii dhalintii ay dalka baneeyaan yaa shaqo abuur loo samay?

    Tahriibku ma ahan xal loo cuskan karo in laga cararayo shaqo la'aan iyo baahiyo kale,
    Taa badelkeeda waxaan qabaa in tahriibku yahay qar iskatuur,

    Mana jirto damaanad uu haysto tahriibuhu in uu bada dhaafayo ama asagoo bad qaba uu tagayo halkii uu u aqoolay.


    Mahadsanid

    ReplyDelete