Tuesday, April 28, 2015

Xuduud Beeleed



Qaab deegaaneedka dhulka soomaalida markii aad u fiirsato waxaad fahmaysaa in loo degay hab qabyaaladaysan oo la yaab leh. Beel kasta, tu' hoose ama mid guud, waxay aaminsantahay inay seere dhuleed oo u gaar ah leedahay. Seerahaas ayay daaqsataa, magaalaysataa oo difaacataa.

Xumaanta, dhiilada iyo dagaalada dhex mara dadka soomaaliyeed waxaa qayb wayn ka ah xuduud beeleedyo, goor hore, wax calaamadiyey aan la garanayn. Miyiga iyo magaalooyinkuna waa isku mid.

Magaala kasta oo kobocday waxaa laga fahmayaa in cidda degan is qola-qolaynayso. Xitaa haddii hayb guud la isku dhaho. Haddii ay qolo is dhahdo waxaad ku dhex qarsoonteen qolo kale, inta ay gooni u baxaan ayay tuulo meel gerigo'an ah dhagax-dhigtaan.

Sidaas waxaa loo yeelayaa in beel kasta hesho aqoonsi qabiil, hab-qabyaaladeedna wax ku dhacsadaan ka dib marka bannaan laga arko.
Maamul goboleedyada dhismay iyo kuwo la dhisayona waxaa ka muuqda aragtidaas. waana suurtagal in mustaqbalka maamuladaasi ku dagaalamaan xuduud beeleedyadaas; si la mid ah sida reer miyigu isu dili jireen.

Runtii, qaabkaasi wuxuu sababay dib u dhac nololeed. Waxaana dhantaalmay fursadihii lagu heli lahaa adeegyo bulsho, xoog dhaqaale, isdhexgal bulsho iyo ilbaxnimo.

Iyadoo qaab-deegaaneedkaasi jiro, kuwa u fekeray hannaanka 4.5 in siyaasadda soomaaliya aasaas looga dhigo, federal qabyaaladaysanna loo taago, aad ayay iiga badiyaan sida shar farsamaysan oo waara loo abuuro.

Saturday, April 25, 2015

Abuukar Cawaale -halyey qaran



labo isku ma khilaafsana qaadka iyo dhibaatada wajiyada badan leh ee uu soomaali ku hayo. Balse, dad badan waxaa la culus sida meesha looga saari karo dhibaatadaas, marka la eego sida wayn ee uu nolosha uga mid noqday.
Nasiibdarrada waxaa ka mid ah in dalalka deriska inna la ah ay yihiin kuwo qaadka ku tiirsan ganacsigiisa ama sideena u cuna - Kenya, Ethiopia, Jabuuti iyo Yemen.
taariikh ahaan, isku-day xoog leh oo dawladdii soomaaliya ee burburtay ay ku joojisay qaadka soomaaliya la keeno ayaan socon  dawladdii oo dhisan.

Abuukar Cawaale (qaad-diid) oo olole qaadka ka dhan ah ka dhex waday Ingiriiska muddo ku dhow 9 sano, ayaa ku guulaystay in dalkaas laga dhaqangeliyo sharci xaaraantimaynaya qaadka 2013dii. Wuxuuna ololihii qaadka ka dhanka ahaa ka wadaa hadda soomaaliya oo aan nidaam wax ka joojin kara ka jirin.
Marka laga yimaado doodda ah inuu soomaaliya ka gaari karo guushii Ingiriiska oo kale, wuxuu horseed u yahay dhaadhqaaq bulsho oo loo baahan yahay. waqti kasta oo soomaaliya qaadka dib looga mamnuuco, haddii uu nool yahay iyo haddii kaleba, waxay u noqonaysaa guul libinteeda loo ogyahay.
Shaki kuma jiro xilligan in Abuukar uu leeyahay taageerayaal badan oo hiil iyo hooba la garab taagan. Sidoo kale shaki kuma jiro inuu leeyahay cadow aan bixin hayn. Anigu waxaan ka mid ahay kuwa taageersan.


Thursday, April 23, 2015

Fikradda Qabiil Wax-ku-qaybsiga

Inta badan warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha waxaan ka dhegaysanaa koox ama qof ku hadlaya magac beeleed; oo ka dacwoonaya sad-bursi ku salaysan maamul la dhisay, mid la dhisayo ama shir looga tashanayo masiir siyaasadeed. Laakiin marna ma maqal qolo dhahaysa annagaa sad-bursi nala jiraa, oo garowshiiyo u celinaysa qolo dacwoonaysa.

haddii aan rogrogay, waxay ila noqotay in khaladku ka jiro fikradda qabiil wax-ku-qaybsiga, laba siyoodba. 
Marka hore, in dadka qabiil loo kala sooco oo wax lagu dhiso waxay ka soo horjeedaa nolosha madaniga ah. 
Marka xigana, haddii aad u fiirsato dadka soomaaliyeed, qof kasta reerkiisa ayaa la badan, la miisaan culus, lana xaq leh; ama ay la tahay inay dhulka wax laga dhisayo ka leeyihiin qabiilada kale.
u malayn maayo nidaamka noocan ah in xasilooni waarta iyo horumar lagu gaarayo.

Wednesday, April 22, 2015

waxaynu u dooranaa si aynu u mucaaradno!

Maahmaah soomaaliyeed ayaa oranaysa " qofkii ammaan rabow dhimo ama dheerow." In kasta oo aan hadalkaas xikmad u malayn jiray haddana mar danbe ayay iga dhaadhacday inuu salka ku hayo dhaqan xaqiraad iyo xumaan ah.
Waxaa caado soomaalida dhexdeeda ka noqotay isku hawlidda mucaaradnimo aan ujeedda sax ah lahayn.
Haddii nin xil haya, heer kasta ha ahaadee, uu dhaliil yeesho waa "ha is casilo." Haddii aan xoog looga qaadin. Haddii dawlad dhexdeeda khilaaf ka dhasho xalka keliya ee lagu wajahaya waa "in la rido." 
mas'uul kasta oo la doorto ama la magacaabo inta uu xilka hayo ayaa la rifaa; goorta la bedelana waxaa la dhahaa isagaa roonaa.
 
sidaasi si' ma aha. bulsho dhan oo dulqaad la'aan ah haddii aynu noqono wada noolaan mayno. qofkii xil doon ah ama doonaya inuu booska ka riixdo mid ku fadhiya si ka wanaagsan inuu fadqalalo sameeyo ayuu ku heli karaa.


Tuesday, April 21, 2015

Tahriibayaasha Ma Dhaliilayo

Taariikh ahaan soomaalidu weligeed dalalka shisheeye dhoof ayay ugu bixi jireen. Dalalka carbeed, Hindiya iyo wadamo dhowr ah oo ka tirsan bariga afrika ayaa sooyaalkeena laga garanayaa inaynu u dalaabi jirnay.
soddonkii sano ee aynu dawladda ahayn (1960-1990) intii lagu jiray ayaa sidoo kale waxaa la dareemi karaa socod soomaalida qaarkeed debedda ugu baxday. Shaqo doon, aqoon kororsi iyo kacdoonkii qabyaaladaysnaa ee jamhaduhu kala horyimaadeen dawladdii dhisnayd ayaa sababayey, sida aan filayo. Dad badan oo hiilo wajiyo badan leh siinayey jamhadaha iyo kuwo ka ood-roganayey cadaadiskii dawladda ayaa qurbaha dan u arkay.

Laga soo bilaabo qaran-jabkii soomaaliya ee 1990kii dhacay qaxa, tahriibka iyo dhoofka-debedeed waxay noqdeen wadooyinka xadidan, ee aan bedelka dhaama lahayn, oo dad badan oo soomaaliyeed u furan. 
Tiradii lagu qiyaasayey dadka soomaaliyeed waqtiyadii qaranku dhisnaa marka lagu dhereriyo tirooyinka maanta laga sheego dadka debedda dalka ka jooga waxaa lagu malayn karaa 30%.
Waxaa taas ka daran in qulqulka dadka dalka ka baxaya uu wali xoogan yahay, duruufihiina aysan is bedelin;  iyadoo dalal horay u qaaday martigelinta dadkaas ay dib u soo naceen, kuwana iskood u danoobeen.

Awoodda dadka tahriibaya waa kala duwan tahay. waxayna kala saartaa qaybaha dadka, qaabka loo safrayo, meesha la bartilmaameedsanayo iyo mudada lagu gaarayo.

Hadalkayga ujeedada aan ku soo dabaalee, hadal-haynta dadka soomaaliyeed waxaa ku batay dhaliil loo jeedinayo dhalinta soomaaliyeed oo markan si xowli ah tahriib ugu gurmaya. Dhalintaasi, si ka duwan qaybaha kale, ammaan-darro iyo gaajo markaas haysa, uma cararayaan. Waxay waalidkood geliyaan kharash badan oo loo arki karo in dalka gudihiisa ay wax kaga qabsan lahaayeen.

Kuwo aqoon sare leh, kuwo waxbarashada aasaasiga ah waday, kuwo fursado ganacsi tijaabiyey, kuwo xoogsi kale nolosha ka dayey iyo kuwo baagamuudo u meel waayay ayay isugu jiraan dhalinta tahriibaysa.

Dhalinyaradaasi intooda badan waxay ku baxaan qaab dhuumaalaysi ah, waxana jira kuwo xubno ehelkooda ahi, si qarsoon, ula talo yihiin. Qaab ganacsi oo tahriibta noocan ah ka samaysmay ayaa wado marista sahlaya.

Su'aasha aan iswaydiiyey waxay tahay: maxaa looga hadli la'yahay sababaha dhabta ah ee dhalinyarada wada iyo waxa xalka u noqon kara joojinta tahriibta noocan ah?
Kama sheekaynayo, halkana kuma soo koobi karo, xaaladda wadanka ka jirta. waxaa la dhahaa "nin iyo dantiis waa walaalo." qofka dhalinyarada ah ee soomaaliya ku hanaqaada maanta wuxuu u baahan yahay wax kasta oo qof bini-aadam ah oo casrigan jooga u baahan yahay. Aasaasiyaadka nolosha iyo horumar uu higsado inuu dalkiisa ka dhex helo ayaa mid kasta ku fekeraya. Haddii rajadaasi quus ka gasho wax kale waxba ugu ma toorna.

Markii runta loo yimaado, wadanka soomaaliya kama jiraan rajooyin iyo fursado ay dhalintu ku xisaabtamayso oo ay mustaqbalkooda nololeed ku dhisaan. dhaqaalo xumo baahsan, shaqo la'aan, adeegyadii bulshada oo maqan, cadaalad-bulsho oo la waayay iyo duruufo kale oo intaas ka badan ayaa wadanka ka dhex jira.

Dhowr sano ka hor warbixin uu baanka adduunku ka soo saaray Soomaaliya wuxuu ku sheegay in celcelis ahaan dadka soomaaliyeed ay maalinti quutaan wax ka yar hal dollar. sida aan filayo cabirka lagu muujiyo heerka dhaqaale ee dal taagan yahay (GDP) waxay soomaaliya ahayd 1991kii qiyaas ah -11. Waxaana khasab ah in cabirkaasi hoos u sii dhacayey intii burburka lagu jiray. Dadka ganacsada sanad kasta waxay qabaan cabasho ka sii badan sanadkii ka horeeyey. malahaygana sidaas ayay ku socon doontaa, haddii uusan iman isbedel aan hadda ii muuqan. Waayo? dhaqaalaha dal kasta leeyahay wuxuu ku fadhiyaa waxa gudihiisa ka soo baxa. Haddii si mug leh loogu tiirsanaado waxa lala soo degayo, ayna ka bataan waxa la dhoofinayo, waxay ka dhigan tahay hoos u dhac dhaqaale. Haddii ay sidaas ku sii socotona mar uun ayaa la noqonayaa cayr siman.

Haddii sida aan sheegayo ay tahay, sidee fursado u helayaan kumanaanka dhalinyarada ah ee sanad kasta soo kacaya? saw tahriibtu uma noqon dani-ku-baday? hadalada afka ku macaan ... wadanku waa hodon, waa lama huraan ... qof baahan meel maran uma buuxinayaan.

Waxaan hubaa in aysan ka dhignayn qof kasta oo tahriiba inuu xaqiijinayo horumar nololeed. waxa jiraya kuwo jidka naftooda ku waayaya, kuwo dhaqan iyo dadnimo beelaya iyo kuwo ku hungoobaya meelaha ay tagaan. waxana wadnaha farta kaga hayaa sharci ahaanshaha xagga diinta ee tahriibka noocan ah. Mana tirtirsiinayo anigu in la tahriibo, balse waxaan u hayaa garawshiiyo.

Waxaan dhaliil u hayaa kuwa saamaynta ku leh xaaladaha dalka ka taagan, magac kasta iyo mansab kasta ha sheegteene.








Sunday, April 19, 2015

Wixi aad barato waa baaskaa!



"Goortii xaaladdu noo caddaatay ayaan tashanay. waa fiidnimo, goobtuna waa Bosaso. Waxaan is tusnay inaan u baahanay qaab aan ammaankayaga ku sugno habeenkaas, maadaama dawladdii burburtay. Afar nin ayaan guriga ku ahayn. Wax xilo iyo xoolo ahna midkaya guriga ugu ma sugnayn. 
Taladii haddii aan rogrognay, waxay nala noqotay in hadba labo seexato, labada kalena soo jeedo oo waardiye naga hayso. laba qori ayaan haysanay kuwaasoo hadba labada  waardiyaha haysa isku hubaynaysay. waxan filayaa inaan ayaamo sidaas arrinta ku wadnay.
Walwalkaas annaga naguma koobnayn, ee dadkii magaalada waqtigaas joogay, in badan oo ka mid ah, waa nala qabeen. Ogaalkay, saraakiil badan oo dawladda u shaqaynaysay ayaa magaalada habeenkaas lug uga baxay oo bannaankeeda soo seexday. Waxay dad badan la ahayd, oo aan anigu ka mid ahaa, in la is dooxan doono; dawlad la'aanna aan nololi jiri doonin. waxay nala ahayd inaan wax buuxin karaya aysan jirin, lagana maarmayn mas'uuliyadda kowaad ee dawladdu haysay oo ahayd sugidda ammaanka dadka iyo dalka.

Waqtigaa ku tababaree, xagaagaas xagaagii ka danbeeyey isla gurigii ayaan bannaankiisa seexanaynay. Cid waardiye noo ahayd iyo hub noo xasaysnaa midna ma jirin. Walwalkiiba tartiib ayuu iiga idlaaday. Waqtiga hadda aan joogno waxaan ku qoslaa sidii habeenkaas iyo ayaamihi la midka ahaa wax noola muuqdeen."

Sheekadaas waxaa si maad leh iigu mariyey oday Cismaan oo u shaqayn jiray dawladdii qaran ee burburtay.

Nuxurku waa in hadba wixii waqtigu ku baro la qaayibo. qofkii burburka ku garaadsaday ama ku cimriyeystay waqti dheer waxaa suurtagal ah inuu la qabsado qaab-nololeedkaas, una maleeyo fikir ahaan inaan waxba ka maqnayn. Ama, kaba sii darane, caabbi ku sameeyo qaabilaadda isbedel ka wanaagsan midka uu ku jiro. Waxaa suurtagal ah inuu u hoggaansamo xoogaga sharka  ... qabyaaladda, dulmiga, fakhriga, musuqmaasuqa, colaadaha, seef-la-boodnimada, daroogada, jahliga, rajo-xumada ... kuwaasoo garbaduub u taabay qofka soomaaliyeed tobanaan sano.